DAAWO : Sawiradda burburka uu qarixii xalay geystay.

Abaarihii 07:45 daiqiiqo ee Fiidnimaddii xalay qarax xooggan oo aysan abidkooda maqlin Reer Muqdisho ayaa lagu qarxiyey meel ku dhow Hotelka SYL ee magaalladda Muqdisho.

Alshabaab ayaa sheegatay qaraxyaddii xalay ka dhacaan Hotel SYL iyo Beerta Nabadda ee Nasashadda ee SYL.

Qaraxaasi waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen in ka badan 24-ruux, kuna dhaawacmeen 30-meeyo kale, sida ay xaqiijiyeen Isbitaalladda la geeyey dadkii xalay ku dhaawacmay qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari weyn ee nooca Xamuulka.

Tan iyo saakayto dadweyne fara badan ayaa soo buux dhaafshay goobtii uu xalay qaraaxu ka dhacay, waxayna la anfariireen khasaaraha iyo burburka u ugeystay qaraxaasi.

Il-xumo ayaan laga dareemay Dhismayaaasha ka ag dhawaa HotelkaSYL ilaa jiirada Ceel-gaab ilaa Barxadda Basaska, waxaana ka muuqday burbur dhismooyin, gaadiid gubtay iyo maydad ku dhex gubtay gaadiidka.

Isbitaalladda ayaa iyagana mashquul xoog leh laga dareemay, iyadoo dadweyne walaacsan isku dhex dhaafayeen qolalka la dhigay Dadka dhaawaca iyo Maydadka, si ay uga eegaan haddii ay ku jiraan dadka ehelkooda ee ay waxyeelladdu soo gaartay.

Mashaqo xanuun badan ayaana lagu tilmaami karaa qaraxyaddii xalay, oo lala beegsaday dadweyne rayid ah oo si farxad leh ugu sugnaa Fagaaraha Barxadda Nabadda ee SYL iyo Hotel SYL.

Ma aha Dhacdadii ugu horreysay ee qaraxyo lala beegsado Dad rayid ah oo jawi farxadeed ku jiray.

qaraxyadi cuslaa (1)qaraxyadi cuslaa (2)qaraxyadi cuslaa (3)qaraxyadi cuslaa (4)qaraxyadi cuslaa (5)qaraxyadi cuslaa (6)qaraxyadi cuslaa (7)qaraxyadi cuslaa (8)qaraxyadi cuslaa (9)qaraxyadi cuslaa (10)qaraxyadi cuslaa (11)









 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ytssss

SIX

 ©Radio Dalsan      

  

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor