(DAAWO SAWIRADA): Xaalladda Caafimaadka ee Haweeney uu saygeeda Toorey ka geliyey Dhabanka oo soo hagaagayso.

Shan Dhakhatr oo Takhasus  leh kana hawlgala Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee magaalladda Nairobi ayaa ku guuleystay inay Haweeneydasi ka soo saaraan Toorey  dhererkeedu dhamaa 3 Inch.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Fadumo Ibrahim ayaa waxa uu dhaawacaasi ka soo gaaray kadib, markii ay iyada iyo saygeeda oo lagu magacaabo Maxamed Deeq ku dagaalameen arrimo qoys Deegaanka Khorof Harar ee ka tirsan Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.

Fadumo Ibraahim oo 32-jir ah lehna 4 carruur ayaa la sheegay inay xaalladeedu haatan soo hagaagtay, inkastoo aysan hadli karin, waxayna Dhakhaatiirtu sheegeen inay Isbitaalka ku sii jiri doonto ilaa shan maalmood.

Dhakhtar Edwin Rono oo hoggaaminayey Kooxda Dhakhaatiirta ee hawshaasi fuliyay ayaa sheegay inay Haweeneyda dhaawacyo kale ka qabtay Laabta, Caloosha, Wejiga iyo Cagta.

Dhinaca kale, Maxkamadda Wajeer waxaa shalay la soo taagay Ninkeeda oo lagu magacaabo Maxamed Deeq, kaasi oo beeniyey inuu isagu Tacadiga u geystay Xaaskiisa,

Eedeysanaha waxa uu ku dooday inuu badbaadinayey Xaaskiisa oo tilmaamay inay oo doonaysay inay is-disho.

Maxkamadda Wajeer waxay sheegtay in Kiiskaasi dib loo  dhegeysan doono bishan Janaayo 13-da.

DAAWO SAWIRADEEDA:

FATUMA IBRAHIM 4 mindi

FATUMA IBRAHIM O001 FATUMA ISBITAALKA FATIMA IBRAHIM FATUMO IBRAHIM 1
X-RAY

FATUMA IBRAHIM 02

©Radio Dalsan