Daawo Sawirada: Wasaaradda Waxbarashada oo Xaflad sagootin ah u qabatay 42 ardey oo ay China u dirtay.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Safiirka China u jooga Soomaaliya, Xubno ka kala socday Wasaaradaha Arimaha dibadda iyo Waxbarashada, Waalidiin iyo ardeydii deeqda waxbarasho helay ayaa Xafladdan Goobjoog ka ahaa.

Ugu horeyn Agaasimaha Tacliinta Sare Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo fahfaahin ka bixiyey nooca deeqdan waxbarasho ay tahay ayaa sheegay in ardeyda la aqbalay ay ka socdeen Maamul Goboleedyada dalka oo Soomaaliland ku jirto loona qaatay Darajada Koowaad ee Jaamacadda iyo Darajada Labaad.

Yuusuf ayaa intaas ku daray in howsha ardeydan ay socotay muddo 7 bilood ah si cadaalad ahna lagu soo xulay, waxa ayna isugu jiraan ayuu yiri wiilal iyo Gabdho.

Ardeyda waxbarashada helay oo qaarkood ay xafladda ka hadleen waxa ay sheegeen in aysan lumin doonin fursadda ay heleen oo ay dalka kusoo laaban doonaan iyaga si wanaagsan u soo dhammeystay waxbarashadooda ayna u abaal gudi doonaan umadda Soomaaliyeed.

Waalidiin oo iyagana hadlay ayaa ka mahadceliyey fursadda waxbarasho ee caruurtooda ay siisay Wasaaradda waxbarashadu.

Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya Qin Jian oo xusay xiriirka Fog ee ay Soomaaliya iyo China leeyihiin ayaa sheegay in ay xoojin doonaan tirada Dhallinyarada ah ee Waxbarashada siiyaan wuxuuna aad u amaanay xiriirka kala dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada.

Ugu dambeyn Wasiirka Waxbarashada Hidda iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa la dardaarmay ardeyda waxa uuna ku wargaliyey in Wasaaradda waxbarashadu ay la socon doonto xaaladdooda, waxaana isla Goobta wasiirku uu ku gudoonsiiyey ardeyda Tikidhadii ay ku aadi lahaayeen Dalka China.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media