(DAAWO SAWIRADA): Warbixinadii ugu dambeeyey ee Weerarkii Paris iyo Magacyadda dadkii weeraray magaalladda Paris.

 

Dabley ku hubeysnaa Qoryaha AK7 iyo waxyaabaha qarxa ayaa waxay Bdhawaan weeraeen goobo ku yaalla caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.

7 Dabley ayaana la sheegay inay ku lug lahaayeen weerarkaasi oo lagu dilay in ka badan 100 qof.

Hay’addaha Ammaanka ee Faransiiska iyo kuwa dalalka Midowga Europe ayaana si iskaashi leh uga shaqeeyey sidii lagu ogaan lahaa Haybta kooxihii weerarka soo qaaday oo dhamaantooda geeriyooday.

Waxayna weli baaritaano ka socdaan dhowr Waddam oo ku yaalla Europe.

Haddaynu eegno Raggii Daacish ee Weerarkii Paris ayaa waxay kala yihiin:

  1. Ismaaciil Cumar Mustafa oo 29-jir ahaa. Waxa uu Muwaadin Faransiis asalkiisu ka soo jeedo dalka Algeria.

Waxa la sheegay inuu ka mid ahaa raggii weeraray dadkii ku sugnaa Masraxa Bataclan Concert Hall ee magaalladda Paris.

Waxaa la sheegay inuu ahaa nin caan ah oo lagu tuhumayey Argagixiso, waxa uu sannadkii 2013-kii tegay Turkiga, isagoo ku sii jeeday dalka Syria.

Kadibna meel uu ka dambeeyey lama haynin.

  1. Sami Amiinuur 28-jir ah ayuu ahaa, waxa uu ahaa Muwaadin Fraansiis deganaa Waqooyiga Paris.

Waxa uu ku lug lahaa Weerarkii Tiyaatarka Batacalan.

Tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2013-kii waxaa uu ahaa Nin Caalamka laga baadi-goobayey.

Waxa uu baaritaan Saraakiisha ku hoos jiray tan iyo bishii October ee sannadkii 2012-kii, iyadoo aad looga shakisanaa falal xiriir la leh Argagixisadda iyo inuu qorsheynayey inuu u safro dalka Yemen.

  1. Ibrahim C/salaam waxa uu ahaa 31-jir, la dhashay Ninka aadka loo raadinayo Salah Abdisalam

Ibrahim C/salaam waxa uu isku qarxiyey Baarka laga qaxweeyo ee Comptoir Voltaire cafe oo ku yaalla magaalladda Paris.

  1. Bilaal Hadfi, waxa uu ahaa 20-jir haystay Dhalashadda dalka Belgium. Waxa uu ka mid ahaa Dableydii weerartay Garoonka K/cagta ee Stade de France ee ku yaalla magaalladda Paris.

Waxa la sheegay inuu ka mdi ahaa dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan gudaha dalka Syria.

  1. Ahmed Almuhamed waxa uu ahaa 25-jir, isku qarxiyey Weerarkii lagu qaaday Garoonka K/cagta ee Stade de France ee magaalladda Paris.

Baasaboorkiisa ayaa la sheegay in laga dhinac helay maydkiisa.

Waxaa la rumeysan yahay inuu Qaxooti ahaan ku soo galay Europe, isagoo ka yimid dalka Syria.

Eedysanayaasha muhiimka ee la raadinayo waxay kala yihiin:-

C/xamiid Cabuud oo 27 jir  ah, Muwaadin Belgian ah, waxaana looga shakisan yahay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii Paris.

Waxa uu ku sugan yahay dalka Syria, isagoo ka mid ah Dagaalamayaasha Daacish.

Salah Abdeslam waa 26 jir haysta dhalashadda  Faransiiska. Waxa uu ku dhashay caasimadda dalka Belgium ee Brussels. Waxaa lagu tuhunsan yahay inuu soo kireeyey gaariga VW Polo midabkeedu yahay madow ee loo adeegsaday Weerarkii Paris. Waxaa kaloo laga yaabaa inuu yahay qof wax toogta.

La sii daayey:

Mohamed C/salaam oo ay walaalo yihiin Salax iyo Ibraahim waxaa maanta lagu xiray dalka Belgium, balse hadda waa la sii daayey

005 10 1 004 003

00 2 14 13 5 4 3 10 8 9

© Radio Dalsan