DAAWO SAWIRADA: Dabkii ka kacay Matoorka Diyaaradda Daallo Airlines

Diyaaraddii Shirkadda Daallo Airlines ee barqanimaddii maanta uu dabka ka kacay iyadoo kumanaan mitir dhulka u jirta ayaa si nabad ah u soo caga dhigatay Garoonka Adaan Cadde ee magaalladda Muqdisho, oo ay markii hore ka hinqatay.

Maamulka Shirkadda Daallo Airlines waxay sheegeen inay  wada bad-qabaan 74-kii Rakaab ee la socday Diyaaradaasi oo ku sii jeeday dalka Jabuuti.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus A321 ayaa waxa soo gaaray waxyeello uu sababay dabka oo ku faafay gudaha Diyaaradda.

Wuxuu kaloo dabka god ka duleeliyey agagaarka garabka Matoorka, sida aad ka dheehan kartaan Sawiradda hoose:

SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO1 SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO 03

SAWIRKA DIYAARADDA DAALLO 002

sawirka daallo airlines005

©Radio Dalsan     

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor