(SAWIRO): Alshabaab oo lagu eedeeyey inay Ciiddanka Kenyanka ka dhiganayaan gabaad.

Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa ku eedeeyey Alshabaab inay Askarta ay qabsadeen ka dhiganayaan Gabaad (as human shields), waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inay  hayaan warar sheegayo inay Alshabaab ka dhiganayaan Askarta Kenyanka ee ay ku qabsadeen Duullaankii Jimcihii lagu qaaday Saldhiga Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka ceel-cadde

War Qoraal ah oo uu soo saaray Taliyaha Guud ee Ciiddanka Kenya ayaa waxa uu ku sheegay inay socdaan hawlgalka lagu soo badbaadinayo Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab qabsadeen.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan Ciiddanka Ammaanka oggolaan doonin in Kenya soo gaaraan dhibaatooyin badan.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe waxa uu tilmaamay inay Alshabaab ugu geli doonaan Dhufeysyadooda iyo inuusan dhiigga Askarta Kenyan ahayn mid aan qiimo lahayn.

Waxa uu sheegay Khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray weerarkii Ceel-cadde inuu yahay kii ugu dhimashadda badnaa, tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya ku soo biireen Hawlgalka AMISOM sannadkii 2011-kii.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo 4 Askari oo ka mid ah Askartii Kenyaanka ee lagu dhaawacay weerarkii Ceel-cadde maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

wilson 2 wilson 5 wilson 7 wilson4 wilsonb6

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor