(DAAWO): Qeybtii Labaad ee Ciiddan Kenyaan dhawaacan oo laga dejiyey Wilson Airport.

Diyaarad Xamuul oo waday tiro ka mid ah qeybtii Labaad ee Ciiddanka Kenyaanka ee ku dhaawacmay weerarkii ay Alshabaab Jimcihii la soo dhaafay ku qaadeen Saldhigga Ceel-cadde ee Gobalka Gedo ayaa maanta laga dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Haweeneyda Wasiirka Difaaca u ah Kenya, Raychelle Omamo iyo Taliyaha Guud ee Milliteriga Kenya, Jeneral Samson Mwathethe ayaa goobjoog ka ahaa markii Ciiddankaasi la soo gaarsiiyey Garoonka Wilson Airport.

Dowladda Kenya waxay ilaa iyo haatan ka meermeeraysaa inay si rasmi ah u caddeeyaan Khasaaraha ka dhashay weerarkii Alshabaab ee Saldhigga Ceel-cadde, iyadoo Saraakiisha Milliteriga Kenya ku tilmaameen weerarkaqasi mid La-yaab lahaa.

Xarakadda Alshabaab waxay shaaciyeen inay duullaankaasi ku dileen ilaa 100-Askari, kuna qafaasheen 12-kale.

Dhinaca kale, Ciiddanka Kenya iyo Alshabaaab ayaa waxay sakaayto ku dagaalameen Deegaanka Shiidleey oo u dhow Deegaanka Ceel-cadde.

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ayaa la sheegay inay duqeymo ka geysteen Hawdka Ceel-cadde, waxaana la soo weriyey in lagu dilay dhowr qof oo rayid ah iyo xoolo ay la socdeen.

KDF 000 KDF 02 KDF 001

©Radio Dalsan     

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor