Daawo: Qaabka ay u howlgalayaan Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa weli waxa ay howlgallo aan kala joogsi laheyn ka wadaan Guud ahaan degmooyinka gobolkaan Banaadir kaas oo lagu xaiijinayo dhanka amniga.

Wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Magaalada muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada oo baaraya dadka iyo Gaadiidka,islamarkaana si taxadar ah oo wanaagsan dadka ula dhaqmaya.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyaan Xaafadaha degmooyinka Gobolkaan Banaadir,iyadoo mararka qaar baara guryaha ay uga shakiyaan in ay ku jiraan dad wada falal lidi ku ah dhanka amniga,iyagoo sidoo kale wada qorsho hubka looga dhigayo kuwa Gaadiidka dagaalka iyo hubka Waaweyn dadka ku argagax gelinaya.

Tan iyo markii uu bilaawday howlgalka xasilinta amniga muqdisho ayaa Shacabka waxa ay dareemeen amni la isku haleen karo,iyadoo ay yaraadeen qaraxyadii ka dhici jiray gudaha Magaalada Muqdisho iyo dilalkii faraha badnaa.

Sawiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media