(Daawo Natiijada Hordhaca): John Kerry oo Museveni kala hadlay xarigga Dr. Kizza Besigye.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxa uu shalay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Museveni kula hadlay Telefoonka, isagoo walaac xooggan ka muujiyey xarigga  Musharaxa Xisbiga Madasha Isbedelka Dimquraadiyadda “The Forum for Democratic Change party” Dr Kizza Besigye, kaasi oo 4 jeer la xiray muddo 5 maalmood gudaheeda.

John Kerry waxa kale oo Museveni ka codsaday in xayiraadda laga qaado Khadka Internetka, gaar ahaan Warbaahinadda ay Bulshadda ku wada xiriiraan, taasi oo ay Dowladda Uganda xireen maalintii Doorashadda ka dhacaysay Uganda.

Madaxweyne Museveni waa uu xaqiijiyey inuu John Kerry la soo xiriiray, isla markaana u sheegay inaan Dr Kizza Besigye, la xiriirin maalintii Khamiista, balse ay Boliska ku hayeen gurigiisa.

Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in Caawa lagu dhawaaqo Natiijadda Doorashadda Madaxtinimadda Uganda, oo warar horddhac sheegayaan inuu Madaxweyne Museveni ku horreeyo tirinta codadka.

MUSEVENI & JOHN KERRY DOORASHO UGANDA©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor