Waxaa Shalay gelinkii dambe dalka Uganda dib loogu celiyay meydadka 12 askari oo ka tirsanaa Ciidanka Militariga Uganda, ee ka qayb qaadanaya hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.
Ciidankan, ayaa waxaa maalintii Axada lagu dilay deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii dagaal-yahanada Al Shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay ciidankaasi la socdeen.
Diyaarad kuwa waaweyn ah, ayaa shly meydadka askartaasi ka qaaday Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ka dejisay Garoonka Entebbe.
Afhayeenka Guud ee Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose ay ku dileen 39 ka mid ah Ciidamada Amisom.
Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al Shabaab, isagoo taasi bedelkeedana qiray in 12 askari oo keliya kaga dhimatay dagaalkaasi.
Sawirro