Daawo:-Madaxweynaha Zimbabwe oo Qarax ka badbaadey

Qaraxan oo noociisu aan weli la shaacin ayaa ka dhacay goob ay isugu soo baxeen taageerayasha Madaxweynaha dalka Zimbabwe xilli uu waday ololihiisa doorashada si uu u helo taageero marka la gaaro waqtiga doorashada.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn halkii uu khubada ka jeedinayey madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo ah GaroonkaWhite City Stadium oo uu ka socday isu soo baxa.

Warbaahinta dalka Zimbabwe ayaa soo tebisay,in markii Madaxweyne Emmerson Mnangagwa uu dhameeyey Khudbadiisa uu qaraxu dhacay balse uu ka badbaaday.

Sikastaba Madaxweyne ayaa xilka madaxtinimada dalkaasi Zimbabwe kadib markii uu xilka isaga tegay Madaxweynihii dalkaas degay Robert Mugabe,waxan la filayaa in ay doorasho ka dhacdo 30-ka bisha July ee Sanadkaan 2018.

Qaraxan ayaa sidoo kale ku soo aadayaa xilli Maanta qaraxa uu ka dhacay Goob uu hadal kaa jeedinayey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor