(DAAWO ID-CARD):Wiilkii dilka ka geystay Sweden oo aan la caddaynin inuu Soomaali yahay.

Dukumenti ka soo baxay Makamad Degmo oo ku taalla magaalladda Gothenburg ee dalka Sweden ayaa muujinaya inaysan Boliska garanaynin Dhalashadda Runta ah ee Wiil 15 jir ah oo sheegtay inuu yahay Somali, kaasi oo tooreey ku dooxay haweeney ka mid ah kuwa Samafalka ee ka shaqeeya Xarunta Degmadda Molndal ee lagu hayo Carruurta Qaxootiga ee aan qaan-gaarin ee soo magan galay dalka Sweden.

Baarayaasha Boliska waxay sheegeen inay awoodi kari waayeen inay xaqiijiyaan dalka uu ka soo jeeda wiilka 15-jirka ee tooreyda ku dilay Haweeney la oran jirey Alexandra Mezhar oo 22-jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Lubnaan.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Britain ayaa loo soo dusiyey Waraaqaha Maxkamadda Gothernburg, waxaana ku cadaa caddaymo shaki geliyey inuu Wiilkaasi ka soo jeedo dalka Somalia.

Nuqul ka mid ah  Warqadaha Dukumentigaasi ayaa  waxaa magaca wiilka ku hoos qoran  ‘ID ej styrkt’, oo la micno ah “Lama xaqiijin  Aqoonsigiisa” ama ‘ID not proven’.

SWEDEN KILLER ID CARD

Taasi waxay la micno tahay in Wiilka uusan haysanin wax xaqiijinayo Aqoonsiga dalka uu u dhashay  markii uu soo galay gudaha dalka Sweden.

Qoraalka Maxkamadda Gothernburg waxaa kaloo lagu muujiyey  inay dhici karto in da’da Wiilka dilka geystay tahay 18 jir ama ka weyn.

Afhayeenka Boliska Gothernburg oo la hadlay Wargeyska Daily Mail waxa uu yiri:- “Annaga ma hubno 100% wax ku saabsan Dhalashada Wiilkaasi.

Dacwad-ooge Linda Wiking ayaa la rajeynayaa inay maanta si rasmi ahaan u caddeyso in la xiray Wiilkaasi.

Afhayeen ayaa sheegay in Wiilkaasi habeen hore lagu hayey Saldhig Bolis, lana filayo in loo gudbiyo Maxkamadda isagoo ah Eedeysane Qaangaar ah.

Dhinaca kale, Haweeneyda la dilay ee la oran jirey Alexandra Mezhar ayaa la sheegay inay  la tooreeyey aroornimaddii Isniinta ee la soo dhaafay, iyadoo ku sugnayd Guri hoy u ah 10 dhallinyarro oo da’doodu u dhexeyso 14 ilaa 17 jir ah.

Haweeneydaasi oo ku takhasustay Cilmi-nafsiga waxay tan iyo bishii September ee sannadkii hore ka shaqeynaysay Xaruntaasi lagu hayo carruurta qaxootiga ee aysan Waalidkooda la soconin.

Afhayeenka Boliska Sweden, Peter Adlersson ayaa sheegay inay weli wadaan baaritaanka ku aadan dilkaasi, iyadoo ay Boliska wareysiyo kala gaar ah la yeelanayaan 7 qof oo Wiilka dilka geystay la degganaa.

Waxa uu tilmaamay in Wiilka dilka geystay ay qabteen labo wiil, kuwaasi oo Boliska ku soo wargeliyey arrintaasi.

Waxaa laga baqanayey inuu dhaawacyo ama dilal kale geysan lahaa haddii aan la qaban lahayn.

Ra’isul-wasaaraha dalka Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay in dad badan cabsi ka qaadeen weeraro la mid ah weerarka lagu dilay Alexandra Mezhar, wuxuuna xusay inay Sweden imaanayaan carruur iyo dhallinyarro badan oo aan lala soconin.

Taliyaha Boliska Qaranka Sweden,Dan Eliasson ayaa hore u sheegay inaysan Boliska awoodi karin inay gacanta ku wada dhigaan Mowjadaha dembiyadda ee ay Qaxootiga geystaan.

Alexandra Mezher777

SWEDEN01

Alexandra Mezher, 22, a Swedish social worker who was allegedly stabbed to death by a 15-year-old asylum seeker at a shelter for refugee children. Gothenburg, Sweden. The refuge centre in Molndal, near Gothenburg, where Alexandra Mezher was killed.

Sweden's Prime Minister in Mölndal SWEDEN6 SWEDEN4 SWEDEN3 SWEDEN2

Alexandra Mezher, 22, a Swedish social worker who was allegedly stabbed to death by a 15-year-old asylum seeker at a shelter for refugee children. Gothenburg, Sweden. The refuge centre in Molndal, near Gothenburg, where Alexandra Mezher was killed.

Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska

 Xigasho Daily Mail.

©Radio Dalsan      

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor