(DAAWO): Hoolka weyn ee uu ka furmay Shirweynaha 29-aad ee Madaxda Carabta

Dalka Sacuudiga ee hodanka ku  ah Shidaalka waxa uu sannadkan marti-gelinayaa Shirweynaha Hoggaamiyaha dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta.

Dhismaha lagu qabanayo Shirkaasi waxaa loogu magac daray  Hoolka Weyn “The Grand Hall”, kaasi oo  ku dhex yaalla Xarunta Dhaqanka ee Boqor C/casiis (The King Abdulaziz International Cultural Center) oo ku yaalla magaalladda Dhahraan ee Bariga dalkaasi.

Dhismaha The Grand Hall waxaa maalgeliyey Boqor Salmaan Bin C/casiis sannadkii 2016-kii, wuxuuna Dhismahaasi ku fadhiyaa masaafo dhan 1,000 mitir oo isku wareeg ah (1,600 square meter).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media