(SAWIRO): Hardanka Maroodi iyo Lo’ Kisi (Buffalo).

Xeradda lagu xannaaneeyo Duur-joogta ee Massai Mara ee dalka Kenya waxaa ku nool Xayawaanaadkii ugu khatarsan Duur-joogta.

Sawir-qaade lagu magacaabo Kimberly Maurer oo 56 jir oo Safar Dalxiis ku marayey Xeradaasi ayaa waxa uu Sawiro La-yaab mudan ka soo qaaday Hardan dhex maray Maroodi iyo Lo’ Kisi “Buffalo”.

Hardanka Labadaasi Xayawaan ayaa waxa ugu daran qaabka Maroodiga u qaaday Lo’da oo culayskeeda ahaa in ka badan 500 oo Kiilogaram.

Sawir-qaade Kimberly Maurer waxa uu sheegay inuu Sawirkan yahay midka ugu yaabka badan Sawiraddii aan weligay qaaday Nolosheyda.

Sidoo kale, Sawir-qaadaha waxa kale oo uu bilowgii bishii hore Sawirro ka soo qaaday Xeradda lagu hayo Duur-joogta ee Mara Mara ee dalka Koonfurta Afrika.

Waxaa sawirkaasi ka muuqda Lo’ Kisi  ama Buffalo u gacan gashay 5 Libaax, kuwaasi oo ugu dambeyntii feentay Hilibkeeda.

DAAWO SAWIRADDA:
MAROODI 1

MAROODI 3 MAROODI 4

MAROODI 4 MAROODI 3

BUFFALO 3 BUFFALO1 BUFFALO2

 

 Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor