Daawo:- Gudoomiyaha Xisbiga WADANI oo ka hadlay Go’aankii ay ku dhawaaqen Masuuliyiinta xisbiga

Kadib markii Gelinkii dambe ee Maant ay MASUULIYIINTA Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland ee WADANI ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen wadashaqeyntii Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Xisbigaas.

Cabdirxmaan Cabdullahi cirro ayaa marka hore soo dhaweeyay qaabkii wanagsanaa ay u dhacday doorashda Soomaaliland 13,kii Bishaan.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laba jeer ay u tageen Guddiga doorashooyinka isla markaana ay Cabasho ka qabeen Sanaadiiqdii laga keenay Magaalooyinka Gibileey iyo Hargeysa balse aysan ka helin wax jawaab ah.

Waxa uu sheegay in intaasi kadib ay Masuuliyiinta Xisbiga WADANI ay hakiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen guddiga doorashooyinka ilaa iyo inta jawaab laga siinayo.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay tageerayasha Xisbiga WADANI in ay xaalada dejiyaan.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Cabdiraxaan Cirro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media