Daalibaan oo shaacisay xiliga ay Afganistan uga dhawaaqeyso Dowlad Cusub

Hoggaamiyayaasha Ururka Daalibaan ayaa waxaa ay si rasmi ah u dhamaystireen La-tashigooda qaab dhismeedka Dowladda imaarada Islaamka ee dalka Afganistan, iyagoona ku dhawaaqi doona Jimcaha soo socda

Warar Hordhac ah ayaa sheegayo in Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Daalibaan, C/qani Baradar loo magacaabi doono Wasiirka Arrimaha Dibedda.

Maxamed Yacquub oo ah wiil uu dhalay Asaasihii Ururka Daalibaan waxaa loo magacaabi doono Wasiirka Difaaca ee Dowladda Imaaradda Islaamka Afganistan.

Afhayeenka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid ayaa waxaa iyagana loo magacaabi doonaa Wasiirka Warfaafinta, halka Khaliil Xaqaani oo Xubin Sare ka ah Shabakadda Xaqaani noqon doono Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Hoggaamiyaha Ururka Daalibaan, Hibatullaahi Akhonat Zadar ayaa noqon doono Amiirka Imaaradda Islaamka ee dalka Afganistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor