Daalibaan oo la shaaciyay in muddo kooban ku qabsan karaan Caasimadda Kaabul

Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Maraykanka oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inay Kooxda Daalibaan awoodi karaan inay Caasimadda Kaabul ku qabsadaan muddo 90 maalmood.

Sarkaalkaasi oo aan fasax u haysanin inuu Warbaahinta la hadlo waxa uu tilmaamay inuu qiimeyntooda ku eegeen muddada dheer ee Kaabul laga difaaci karo Daalibaan, oo guulo degdeg ah gaaray, xilli la filayo inay Ciiddanka Isbahaysiga Maraykanka ka bixi doonaan Afgaanistaan.

Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee dalka Raashiya, Sergey Shoygu ayaa sheegay inaysan Hoggaamiyayaasha Daalibaan doonaynin inay weeraraan dalalka deriska la ah Afgaanistan ee ay ku soo dhawaadeen.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Hoggaamiyayaasha Daalibaan ballan-qaadeen inaysan weerari doonin dalalka Tajakistan iyo Uzbekistaan, xilli ay Daalibaan gacanta ku dhigeen Gobaladda ku teedsan Xuduudkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor