Daacish oo weerar gaadmo ah ku dishay Askar ku sugneyd Bar Koontarool

Maleeshiyo taabacsan Daacish ayaa la sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen Bar Kontorool oo ay Ciiddanka Masaarida ku leeyihiin Gacan-biyoodka Siinaay ee Waqooyiga dalkaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 5 Askari oo ka tirsan Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi, iyadoo 6 kalena lagu dhaawacay.

Maleeshiyada oo aad u hubeysnaa waxay kaloo weerareen Degmadda Shiikh Zuweyd iyo Isbitaal Milliteri oo ku yaalla magaalladda Al-Cariish ee kaabiga ku haysa Badda Mediterranean-ka.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka waxay sheegeen inay Iska-horimaadkaasi ku dileen 3 ka tirsan Maleeshiyadii Daacish ee weerarka soo qaaday.

Milliteriga Masar waxay Maleeshiyooyin kula dagaalamayaan  qeybo ka mid ah Gacan-biyoodka Siinaay tan iyo markii ay Ciiddanka xilka ka tureen Madaxweynihii La-doortay ee dalkaasi , Maxamed Mursi sanadkii 2013-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor