Daacish oo sheegatay Is-qarxintii lala beegsaday Kaniisado ku yaalla Masar.

Hadal ka soo baxay Kooxdaasi ayaa lagu sheegay inay Weeraradaasi fuliyeen Labo ka mid ah Dagaalyahanadooda oo lagu kala magacaabi jirey Abu Al-bara’ Al-masri iyo Abu Isaaq Al-masri.

Labada qarax ee shalay lala beegsaday Kniisado ku kala yaalla magaalladda Aleskandariya iyo Degmadda Tanta, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 44-qof, kuna dhaawacmeen 126 kale.

Wasaaradda Caafimaadka ee dalkasi, ayaa sheegtay in 6 qof oo Muslim ah ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Kaniisad ku taalla magalladda Aleskandariya.

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi ayaa ku dhawaaqay Xukun Degdeg ah oo muddo 3 bilood ah, iyadoo la adkeynayo Ammaanka Xarumaha Muhiimka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump waxa uu Khdka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Masar, C/Casiis Al-sisi oo uu uga tacsideeyey dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii shalay lala beegsaday Kniisado ku yaalla Masar.

Trump waxa uu tilmaamay inay Maraykanka garab taagan yihiin Dowladda Masar, kana saacidi doonaan Dagaalka ay kula jiraan Argagixisadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media