Daacish oo sheegatay dilka sarkaal NISA ah oo Cawa Muqdisho lagu Toogtay

Kooxda Daacish ayaa website ay leedahay waxey caawa ku daabacday iney ka dambeeyeen toogashada sarkaal nabadsugid ah oo Muqdisho lagu dilay.

Sarkaalkan oo aanan magaciisa helin waxaa la toogtay sida dadka deegaanka ay sheegayan isagoo ka soo baxaya maqaayad ku taala deegaanka Fagax oo u socda gaarigiisa .

Dilalka saraakiisha dawladda aya so badanyey waayadi u dambeeyey iyadoo toogashada ay so badatay taas  oo muujineysa sida amniga magaalada faraha uga baxay.

Alshabab ayaa badana sheegan jiray dilalka nuucaan ah ee qorsheysan waxaase hada muuqata in Daacish ay iyana si weyn u hawlgalaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor