Daacish oo la sheegay inay dad ka qoranayaan gudaha dalka Kenya.

Guddoomiyaha Degmadda Mandera, Fredrick Shisia ayaa hadalkaasi ku sheegay Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Dalka Kenya, oo ku beegnayd maalintii Sabtida ee la soo dhaafay.

Waxa uu sheegay inay Kooxda Daacish ee ka go’day Xarakadda Alshabaab ay bilaabeen inay gudaha dalka Kenya ka qortaan Dhallinyarro ka mid noqda Daacishta Somalia.

Hadalkiisa ayaa soo baxay dhowr maalmood kadib, markii  uu Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi qoray inuu Hoggaamiye ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab, laguna tuhumayo inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa uu ka goostay Alshabaab.

Taliyihii hore ee Dagaalamayaasha Alshabaab ee Gobalka J/hoose, Maxamed Kuno laguna naanayso Gacma-dheere uu dabayaaqadii bishii hore ee November ku biiray Kooxda Dowladda Islaamka ee Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

Sarkaalkaasi oo ka soo jeeda Soomaalida-Kenya ayaa la sheegay inuu la baxsaday 1,200 dagaalyahan oo ay ku jiraan Dagaalamayaasha Kooxda Jaysh Aman ee hoos taga Ururka Alshabaab, kuna sugan Dhul-kaymaha ee Boni Forest iyo Deegaanka Raas Kambooni ee J/hoose.

Sirdoonka ka hawlgala Kenya waxay ka digeen inuu Maxamed Kuno “Gacma-dheere” qaadan doono Kaalinta Hoggaaminta Daacish ee gudaha dalka Kenya.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay horey lacag dhan 215,000 oo Dollar u dul-dhigtay soo-qabashadda Gacma-dheere, waxayna Ciiddanka Kenya dhowr jeer u sheegeen inay dileen  Sarkaalkaasi.

© Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor