Daacish oo ka hadashay duqeyntii Marykanka u geysteen Saldhigooda ku yaalla Bariga Afganistan.

Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ ayaa sheegtay in ilo aan la shaacinin u xaqiijiyeen inaysan duqeyntaasi kala kulmin khasaaro ballaaran.

600 ilaa 800 oo Dagaalyahano  ka tirsan Kooxda Dacish ayaa ku sugan dalka Afganistan, kuwaasi oo badnkooda ku sugan Gobalka Nangarhar.

Milliteriga Maraykanka waxay Khamiistii la soo dhaafay Bamka loo yaqaano Hooyadda dhamaan Bambooyinka ku duqeeyeen Dhismo dhulka hoostiisa ku yaalla oo ay Kooxda Daacish ku leeyihiin Degmadda Ajin ee Gobalka Nangarhar  ee dalka Afganistan, kuna dhow xuduudka Pakistan.

Tiradda Kooxda Daacish ee lagu dilay Duqeyntaasi ayaa lagu sheegay 36 qof, balse, Afhayeenka Maamulka Gobalka Nangarhar, Atullaahi Khogyani waxa uu sheegay in Duqeyntaasi lagu dilay 94 Dagaalyahan.

Dhinaca kale, Duqeyntan ayaa timid, iyadoo Madxweyne Donald Trump isku diyaarinayo Booqashadiisa ugu horreysay ee   ay isaga iyo Wafdi heer sare ah ku tegi doonaan Casimadda dalka Afganistan ee Kaabul.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media