C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo soo gaaray Gaalkacayo.

Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland,  C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa barqanimaddii maanta soo wada gaaray Waqooyiga Magaalladda Gaalkacayo.

Labada Hoggaamiye ayaa waxaa la filayaa inay Kulan hordhac ah la yeesho Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid oo barqanimaddii maanta socdaal nabadeed ugu gudbay Koonfurta Gaalkacayo.

Ra’isul-wasaaraha waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guulee, oo ay ka wada hadleen Dadaalka Nabadeynta iyo Wada-xaajoodka lagu wado inuu gelinka dambe ee maanta ka dhaco Garoonka Diyaaradaha ee Waqooyiga Gaalkacayo.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor