Cuqaasha mushaariga ee Wajeer oo ka walaacsan Alshabaab

Cuqaashaasi ayaa la sheegay inay la soo gudboonaatay cabsi ay ka qabaan inay Dagaalamayaasha Alshabaab  soo beegsadaan, waxaana la sheegay inay habeenkii u guureeyeen goobo ay gabbaad ka dhigtaan, kadib, markii ay ku kalsoonaan waayey inay la seexdaan Reerahooda.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi oo la hadlay Cuqaasha ayaa qoray inay cabsidu korodhay, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab fiidnimaddii Sabtida ee la soo dhaafay dileen Caaqilkii Deegaanka Cirib ee Wajeerta Koonfureed.

Marxuumkaasi oo la oran jirey Mohamed Barre Abdullahi ayaa la toogtay xilli uu ka soo baxay Masjid oo uu salaadda Cisho ku soo tukaday.

Wargeyska The Star waxa kaloo uu qoray in maalintii Axadda ee la soo dhaafay ay rag hubeysan xoog ku soo galeen guriga Caaqil Saalax Cali, balse uu Caaqilka baxsaday, kadib, markii ay carruurtiisa u sheegeen inay rag hubeysan ku sugan yihiin goobta.

Caaqil Cali Cabdi oo in ka badan 22-sanno u shaqeynayey Dowladda Kenya ayaa sheegay inay khatar ku jirto noloshooda.

Caaqilka iyo Cuqaal kale oo la sheegay in loo tababaray isticmaalka qoryaha fudud ayaa u sheegay Wargeyska The Star inay bartilmaameed u yihiin Alshabaab, isla markaana ay qoysaskooda ku cadaadinayaan inay iska casilaan Shaqooyinka Dowladda.

Xiriiriyaha Gobalka W/bari Kenya, Mohamoud Salah ayaa u sheegay Cuqaasha inaysan ka walaacin Alshabaab, isla markaana uu qof kasta geeriyoonayo xilligiisa.

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay  inay Dowladda Kenya ka war hayaan Taatikadda Alshabaab, isla markaana la diyaariyey Ciiddan Ammaanka oo dib u soo celiya Ammaanka W/bari Kenya.

Xigasho: The Star

© Warqabadka Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor