Cunug Soomaali ah oo Dabaq ka soo dhacay oo ku geeriyooday Maraykanka

Cunug yar oo hal sanno jir ah ayaa la sheegay inuu shalay ka soo dhacay daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismo ku yaalla Deegaanka Northview Heights oo u dhow magaalladda Pittsburgh  oo ka tirsan Gobalka Feneslafaaniya ee dalka Maraykanka.

Afhayeenka Waaxda Ammaanka Dadweynaha ee magaalladaasi, Chiris Togneri ayaa sheegay inay Saraakiisha Boliska sababta keentay inuu ilmaha yar ka soo dhaca Daaqadda Dabaqa 4-aad ee Dhismahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska iyo Dhakhaatiirta Isbitaalladda warbixin ku dhiibeen inuu ilmaha yar ku dhacay meel 35 cagood ama Feet u jirta dhismaha ay Waalidkiisa degganaayeen.

Afhayeen Chiris Togneri waxa uu intaasi ku daray in ilmaha yar loola cararay Isbitaalka, balse uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray.

Dhinaca kale, Sarkaalka Xafiiska baaritaanka Caafimaadka weli ma shacainin magaca cunug yar ee geeriyooday iyo magaca waalidkii dhalay.

Dhinaca kale, Qaraabadda ilmahaasi ayaa u sheegay Shabakadda Wararka ee WPXI inuu ilmaha ku dhacay Shaashad, ka hor inta uusan ka sii dhicin Muraayadda daaqadda.

Ma kala cadda qofka ilmaha la joogay, ka hor inta uusan ka dhicin daaqada Dabaqa 4-aad ee Dhismahaasi. .

Telefishinka Channel 11 iyo Shabakadda Wararka wpxi.com ee dalka Maraykaka ayaana markii ugu horreysay baahiyey Warka ku aadan ilmaha yar ee Soomaaliga ee u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray Dhismo uu ka soo ddhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor