Cumar Faaruuq Cisman oo lagu xiray Ethiopia, lana soo masaafurinayo.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Ethiopia waxay maalintii Axadda ee la soo dhaafay xireen Xoghayihii Guud ee hore ee Ururadda Shaqaalaha Somalia (FESTU), Cumar-Faruuq Cisman, xilli uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalladda Addis Abeba.
Safaaradda Somalia ee magaalladda Addis Abeba ayaa sheegtay in Cumar Faaruuq la xiray isla markii uu Garoonka ka soo degay, wuxuuna u yimid Addis Abeba si uu uga qeyb galo Shirweynaha 13-aad ee Ururka Shaqada Adduunka (ILO) oo ka furmay Addis Abeba.
Waa markii Labaad oo ay Ciiddanka Ethiopia xiraan Omar Faaruq sannadkan gudihiisa.
Madaxda Waaxda Socdaalka Ethiopia waxay horey u xireen bishii July ee sannadkan, xilli uu isku dayey inuu galo Ethiopia si uu u la kulmo Saraakiisha Midowga Afrika oo iyagu weli rumeysan inuu yahay Hoggaamiyaha Sharciga ee dhowr Urur.
Warbaahinta Ethiopia ayaa shaaciyey inuu Cumar-faaruuq sheegto inuu madax ka yahay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Ururradda Shqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) iyo Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA).
Bishii December ee sannadkii 2013-kii, Maxkamad Ethiopian waxay amrtay in Omar Faaruuq loo masaafuriyo Somalia, kadib, markii lagu helay Khiyaano Lacageed iyo Musuqmaasaq, kana soo dacwoodeen Madaxda Hoteelo iyo Shirkado Diyaaradeed oo ku yaalla Addis Abeba.
Waxaa loo masaafuriyey Degmadda Wajaale oo ku taalla Xuduudka Ethiopia la wadaago Somaliland, kadib, markii ay xubno ka tirsan Qoyskiisa bixiyeen Kharajka Biilasha Hoteelladda iyo Tikidhada.
faruk

Cumar Faaruuq waxa Xilkii Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta NUSOJ laga bedelay sannadkii 2011-kii, kadib, markii lagu soo oogay inuu Lacago is-dhaafshay iyo Maamul-xumo.

Sidoo kale, Xilka Xoghayaha Guud ee Ururadda Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) ayaa laga qaaday bishii September ee sannadkii 2013-kii, kadib, markii lagu helay Musuq, Maamul-xumo iyo Amar-diido Madaxda Ururkaasi.
Cumar Faaruuq waxaa kaloo laga joojiyey Hoggaaminta Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika (EAJA) bishii Janaayo ee sannadkii 2014-kii, waxaana lagu beddelay Alexandre Niyungeko oo ka tirsan Ururka Suxufiyiinta dalka Burundi, kaasi oo Ku-sime ahaan xilkaas loogu dhiibay.

Xigasho: Horn Observer
© Radio Dalsan