Cumar C/rashiid iyo Shariifka oo Dhaq dhaqaaqyo Siyaasadeed ka wada Imaaraadka

Magaalada Dubai ee Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaa dhaq dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wada Xubno uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaake.

Xubnahaan ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo sidoo kale in ka badan 20 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnahaan dhaq dhaqaaqa ka wada Imaaraadka ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo an la dhacsaneyn Siyaasada dowladda waxaana uu sii xoogeysatay markii xili hbeen ah la weeraray Guriga Siyaasi cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo la aaminsan yahay in uu ka mid yahay Siyaasiyiinta aan ku qanacsaneyn dowladda hadda jirta.

Wararka hordhaca ah oo ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in kulankaan uu daba socdo kulamo kale oo ka dhacay Nairobi iyada oo ay macquul tahay in Xubno kale ay ku biiraan shirka ka socda Imaaraadka.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media