Cuddurka Jadeecadda oo laga cirib-tiray Gobalka ay ku badan yihiin  Soomaalida ku nool dalka Maraykanka

Saraakiisha Caafimaadka ee Gobalka Minnesota ayaa sheegay in la xakameeyey cuddurkaasi oo uu uu ku dhacay70 carruur Somali ah.

Cuddurkaasi oo bilowday bishii April 11-dii ee sannadkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu ballarnaa ee ka dhaca Gobalka Minnesota tan iyo sannadkii 1990-kii.

Wuxuuna cuddurkaasi ku dhacay inta badan Carruurta Jaalliyadda Soomaalida ku nool Minnesota, iyadoo ay waalidiin badan diideen in la talaalo carruurtooda

Dhinaca kale, Waaxda Caafimaadka Minnesota ayaa ku dhawaaqay inaysan helin 42-maalmood ee la soo dhaafay Kiisaska Cusub oo cuddurkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media