C/risaaq Fartaag oo sheegay in Hal Billion oo Dollar lagala baxay Miisaaniydda Qaranka iyo Dowladda Federalka oo beenisay.

C/risaaq Fartaag oo la sheegay inuu ahaa Madixii Waaxda Maaraynta Maaliyadda ee Dowladdii KMG ee ugu dambeysay muddadii u dhexeysay sannadihii 2009-kii ilaa 2011-kii ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin shalay lagu soo daabacay Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi,

C/risaaq Fartaag oo sheegtay inuu ka hawl-geli jirey Xafiiska Ra’isul-wasaarihii Dowladdii KMG ee ugu dambeysay ayaa Warbixinta ku sheegay in Hal Billion oo Dollar laga weecsaday Miisaaniyaddii Qaranka ee muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii iyo 2015-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.

Warbixinta oo loogu magac daray Breaking Point in Somalia ama “Jebinta Qoddobka ee gudaha Somalia” waxa uu C/risaaq Fartaag is-weydiiyey sida ay Dowladda ugu fashilantay maalgeliintaasi, wuxuuna xusay inay Dowladda heshay, isla markaana kharaj gareysay lacag badan oo ka timid Deeq-bixiyayaasha iyo Kharaj ka soo xerooday Canshuuraha gudaha.

Warbixinta ayaa lagu muujiyey in qaar ka mid ah Miisaaniyadda Qaranka loo weeciyey Maalgashi Gaar ah, Hay’addo Islaami ah iyo Kooxaha Mukhaawamadda, waa sida lagu xusay Warbixintaas.

“Lacagaha laga helo Deeq-bixiyayaasha Reer Galbeedka iyo kuwa Carabta iyo Canshuuraha Gudaha waxaa si aan la caddeynin loo oggolaado in loo xawilo Ururro Caalami iyo kuwa Maxali oo aan Dowli ahayn oo ay leeyihiin Siyaasiyiin” ayuu yiri Qoraha Warbixintaasi, C/risaaq Fartaag.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xafiiska Madaxweynaha Somalia, Daa’uud Aweys ayaa beeniyey Eedeymahaasi, wuxuuna xusay inuu C/risaaq Fartaag yahay  nin aad loo yaqaano oo soo jeediya Eedeymo been abuur ah iyo inuu xaallad kasta Siyaasadeeyo.

C/risaaq Fartaag ayaa haatan ah Madaxa Fulinta ee Shirkadda Fartaag ee Cilmi-baarista iyo La-talinta (The Fartaag Research and Consulting Firm) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Nairobi.

Hadalka C/risaaq Fartaag ayaa ku soo beegmay iyadoo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhawaan u digay dadka caadaysta inay Dowladda wax ka sheegaan,wuxuuna  xusay inay Maaliyadda Somalia tahay mid Hufan oo leh Daah-furnaan lagu qanci karo.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor