Cosoble,oo Beesha Caalamka u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya

Magaalada muqdisho waxaa ku sugan Cali Cabdulalahi Cosoble Madaxweynihii Maamulka Hir-Shabeelle,kaas oo Xildhibaanada Hir-Shabeelle ay dhawaaan sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.

Cosoble,ayaa maalmihii uu ku sugnaa Jowhar waxa uu ku guuldarestay in uu isusoo dhaweeyo Xildhibnada Hir-Shabeelle ee diidan,waxana intaasi kadib uu shalay gelinkii dambe uu soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Ujeedada safarkiisa ayaa lagu sheegay sidii uu ula kulmi lahaa madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya si xal looga gaaro xiisada Hir-Shabeelle.

Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Cosoble,uu ka qeybgeli doono kulan Wakiilada Beesha Caalamka ay ku leeyihiin Xarunta Xalane,waxana sidoo kale la sheegay in uu u gudbiyay dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeysay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Sidoo kale Muqdisho waxaa haatan ku sugan Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Bare Maxamed kaas oo ay u yeertay dowladda Federaalka Soomaaliya,islamarkaana uu la qaatay kulamo kala duwan,in kastoo waxyaabihii ka soo baxay aan Warbaahinta lala wadaagin.

W/Q Cabduqaadir Jakaarta

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media