Cosoble oo loo doortay madaxweynaha Hiiraanland iyo Waxgarad taageeray

Kulamo kala duwan ayaa ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kulamadaas qaarkood waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Hiiraan,iyada oo lagu taageerayay mowqif uu qaatay madaxweynihii Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Baladweyne oo k qeybglay kulan halkaasi ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen in Cosoble, ay u doorteen Madaxweynaha maamulka Hiiraanland oo ka kooban Gobolka Hiiraan oo loo qeybiyay laba gobol.

Arrintaan ayaa noqotay mid siweyn looga hadal hayo Gudaha Gobolka Hiiraan,waxana waxgaradkii kulamada Coosble uu Baladweyne ku qabtay Goobjoog ka ahaa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay dumisay Maamulka Hir-Shabeelle kadib xilka qaadistii xildhibaanada hir-Shabeelle ay ku sameeyeen Cali Cabdulalahi Cosble.

Lama oga dowladda Soomaaliya iyo waliba Masuuliyiinta Maamulka hir-Shabeelle talaabada xigta ay qaadi doonaan,maadaama Cosoble uu qaatay go’aan kale oo ah in uu Madaxweyne u yahay maamulka Hiiraanland oo  noqonaya Hiiraan oo laba loo qeybiyay.

Digreeto uu horay u soo saaray kadib xilka qaadistiisii ayaa waxa uu horay u sheegay in Gobolka Hiiran uu u kala qeybiyay laba Gobol oo kala ah Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Shabeellaha Sare,isagoo sidoo kale sheegay in Jowhar ay xoog ku qabsatay dowladda Soomaaliya isana uu ku Shaqeyn doono Baladweyne.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media