Cod bixinta Doorashada Turkiga oo la soo xiray iyo Tirinta oo bilaabatay

Cod-bixinta doorashada Madaxtinimo iyo tan Baarlamaaniga dalka Turkiga ayaa soo xirantay 5-tii galabnimo ee maanta oo Axada, waxaana codkooda dhiibta 56 Milyan oo Turki ah, waxaana sidaas xaqiijiyey gudiga doorashada waddankaas oo ku kala sugan 81 Gobal.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in tirinta codadka ka bilaabatay 180,065 goobood oo codadka laga dhiibtay maanta.

Waxaa sidoo kale cododkooda la tirinayaa dadka Turkida ee codkooda ka dhiibtay 7-dii bishan June, 60 dal oo uu Turkiga 123 safarado iyo Qunsuliyad uu ku leeyahay.

Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay cod bixiye-yaal sita warqada aan sax ahayn, iyo ajaaniib fara-gelin ku hayey doorashada oo sheegtay in ay yihiin kormeerayaal.

Doorashadan waxaa ku tartamayaa 6 musharax oo mida ay talhay gabar iyo hogaamiyaha talada haya ee Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor