Ciyaartoydii Kooxda Kubbadda Cagta ELMAN,oo Caafimaadkooda laga deyrinayo

Waxaa laga deyrinayaa xaalada Cafimaad ee ciyartoy ka tirsan Naadiga kubadda Cagta ee ELMAN,oo xalay ku dhaawacmay Gaari nooxa raaxada ah oo ay sarnaayeen oo lagu rasaaseeyay deegaanka Calamada oo ah inta u dhaxeysa Magaalada muqdisho iyo degmada Afgooye.

Gaariga la rasaaseeyay ayaa waxaa ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.

Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.

Mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa haatan lagu daweynayaa,iyadoona la soo sheegayo in xaaladooda caafimaad haatan ay tahay id aan wanagsaneyn.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media