Ciyaartoy Soomaaliyeed oo deggan Britain oo ku wajahan Sweden

Kooxda K/Cagta ee Bristol Brothers FC ayaa ku guuleystay Tartankii K/cagta ee Soomaalida deggan dalka UK oo lagu soo gebagebeeyey magaalladda London.

Kooxda waxay ka wada badisay  Kooxo Soomaaliyeed oo ka kala yimid magaallooyinka London, Manchester, Liverpool iyo Brimingham.

Kooxda ayaa waxay socdaal Sports ku tegi doonaan caasimadda dalka Sweden ee Stocholm su at ula soo ciyaaraan Kooxo kale oo Soomaali oo ka kala imaanayo dalal ka tirsan Qaaradda Europe.

Kooxda Bristol Brothers FC waxay la ciyaari doonaan 13 Kooxood oo Soomaali ah, kuwaasi oo ka kala imaanayo dalalka Talyaaniga, Jarmalka, Denmark iyo Norway.

Tartankaasi waxaa sannad kasta lagu qabtaa Deegaanka Spånga ee duleedka magaalladda Stocholm.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo Koox Soomaali oo ka timid Bristol ay magaca Soomaalida ku nool Britain kaga qeyb galaan Tartan Ciyaar oo Caalami ah.

BRISTOL 3

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor