Cirbixiyeen u dhashay Maraykanka oo dayaxa dul-tegay oo geeriyooday.

Cirbixiyeenkaasi oo lagu magacaabo Edgar Dean Mitchell ayaa la sheegay inuu geeriyooday saacado ka hor markii loo dabaal degi lahaa 45-sanno guuradii ka soo wareegtay markii Dayax-gacmeedkii Apolo 14  ku degay Dayaxa dushiisa bishii Feberaayo 5-dii ee sannadkii 1971-kii.

Cirbixiyeenkaasi oo 85 jir ahaa ayaa la sheegay inuu  ku geeriyooday Xarun lagu hayo dadka da’da oo ku taalla Gobalka Folorida.

Wakaalladda Duulista Hawada Sare Maraykanka ee NASA waxay ku tilmaamtay Cirbixiyeenkaasi Nin Geesi ahaa.

Wargeyska Palm Beach Post waxa uu qoray inuu Edgar Dean Mitchell ka mid yahay  6 Cirbixiyeen oo ay  u suurtogashay inay ku dul socdaan Dayaxa dushiisa, waxaana ahaa Cirbiixiyeenka keliya ee dayax ku dul socday muddo 33 saacadood.

Edgar Dean Mitchell2 Edgar Dean Mitchell4 Edgar Dean Mitchell3 Edgar Dean Mitchell1 EDGAR2 Edgar Dean Mitchell00001

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor