Ciidmada Liyuu Boolis oo Dad ku Dilay Xadka Hiraan

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanka Khalaafe oo dhaca xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida ethopia ayaa ku waramaya in maanta halkaasi  ciidamada Liiyuu boolis ay ku laayeen dad shacab ah oo daganaa deegaanka.

Goob-joogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in ciidamadu gudaha deegaanka ay ku dileen maanta Sagaal ruux, kuna dhaawaceen tira kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay isku dhaceen ciidamada, markii dadkaasi ay ka horyimaadeen canshuur ay ciidamadu ka qaadayeen Beero ay la haayeen.

Xaalad kacsanaan ah ayaa wali ka taagaan deegaanka Khalaafe ee ku yaala xadka uu Hiiraan la wadaago ismaamulka Soomaalida Ethopia, iyadoo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhoco halkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media