Ciiddankii ugu badnaa Kenya oo la soo dhoobay xuduudka, xilli laga cabsi weeraro ay Alshabaab ku beegan Safarka Barack Obama

Xiriiiryaha Dowladda Kenya ugu qaabilsan Gobalka W/bari, Mohamed Salah ayaa xaqiijiyey in la adkeeyey ammaanka xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka ee XINHUA waxa uu tilmaamay in Saraakiil badan oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka loo soo daad-gureeyey xuduudka, si looga hortago weeraro laga filan karo Dagaalamayaasha Alshabaab.

“Waanu ku baraarugsanahay cabsida Alshabaab, waxaana adkeenay feejignaanta khatarta xuduuka, iyadoo ciiddanka ammaanka dareen qabaan” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo intaasi ku daray inaysan doonaynin inay Alshabaab helaan fursado.

Mas’uulka waxa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo qorshaha Ammaanka, inkastoo uu sheegay inay Boliska gaaf-waregayaan xuduudka, si looga hortago Dagaalyahano Alshabaab oo ka soo tallaaba xuduudka.

Inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheega inay ka soo gudbaan xuduudka L;iboy iyo Holugo oo ka tirsan Garissa, Diif oo ka tirsan Wajeer iyo Mandera.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor