Ciiddankii isku hor fadhiyey Gaalkacyo oo ka wada huleelay Dhufeysyaddii.

Guddi Saraakiil Ciiddan oo Isku-dhaf ah, kana kala socda Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Puntland ayaa waxay maanta ku guuleysteen inay si nabad ah u kala qaadaan Ciiddankii dhufeysyadda ku jiray tan iyo bishii November 22-dii.

Ciiddankaasi waxay dib ugu laabteen Xeryihii ay markii hore ka soo foofeen, iyadoo Ciiddankii kale ee Gurmadka ahaana ku laabteen Degmooyinkii ay Gurmadka Hiilo uga soo duullaan tageen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/raxmaan Odawaa’ ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey qaabka ay u socdaan Fulinta Heshiiska Nabadda ee Gaalkacyo, wuxuuna xusay in lagu guuleystay in la dhaqan geliyo Xabbad-joojinta.

Isagoo la hadlayey Idaacadda VOA-da waxa uu tilmaamay inay Guddiyadda iminka  guda-geli doonaan sidii loo sii ambaqaadi lahaa Wada-xaajoodka Nabadda.

Dadka ku nool Gaalkacyo ayaa sheegay inay nafis-nabadeed heleen, kadib, markii la kala qaaday Ciiddankii isku hor-fadhiyey Xaafadda Garsoor, waxaana dib u furmay Suuqa Dar-xumo iyo goobihii kale ee Ganacsiga ee Kaabiga ku hayey Aagga Dagaalka.

Ciiddanka Labada Maamul waxaa dhex maray Iska horimaadyo xooggan oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, waxaana Telefishinadda Maxaliga iyo kuwa Caalamka laga daawaday noocyadda hubka culus ee ay isku ridayeen Labadaasi Ciiddan.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiyadda Isku-dhafka ayaa laga rajeynayaa inay taageero ka geystaan sidii ay dadka rayidka u soo guryo noqon lahaayeen, waxaana loo baahan yahay inay Labada Maamul si hoose uga hadlaan sidii loo taageeri lahaa qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen, kuwa ay kaga dhaawacmeen iyo dib-u-dayactirka dhismooyinka rayidka ee lagu burburiyey dagaalladda lagu hoobtay ee Gaalkacyo.

GLK 4 GLK 5 GLK 2 GLK 1 GLK 9 GLK 8 GLK 7

© Radio Dalsan             

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor