Ciiddankii Badda ee Shiinaha ka joogay Xeebaha Somalia oo dib ugu laabtay dalkooda

Maraakiibta Dagaalka ee Ciiddanka Shiinaha ee qeybta ka ahaa Hawlgalka Caalamka ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa shalay ka shiraacday Xeebaha Somalia, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgalkooda.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda ee Shiinaha ayaa lagu sheegay inay Maraakiibtaasi badbaadiyeen 109 maraakiib ganacsi tan iyo bishii December ee saannadkii hore.

Maraakiibtaasi waxay kaloo taageero ka geysteen Hawlgalkii  Muwaadiniinta Shiinaha iyo kuwa shisheeyaha bilowgii sannadkan looga soo saaray dalka Yemen.

Dowladda DShiinaha waxay Ciiddankii ugu horreeyey ee ka qeyb qaatay Hawlgalka caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Soomaaliyeed u soo direen bishii December ee sannadkii 2008-dii.

Si kastaba ha ahaatee, ambabaxa Ciiddanka Badda Shiinaha ee ka joogay Xeebaha Somalia ayaa ku soo beegantay iyadoo aad loo hadal-hayo inay Dowladda Shiinaha danaynayso inay Saldhig Milliteri ka samaystaan Dekedaha Jabuuti.

Ciiddanka Badda ee dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo Japan ayaa haatan saldhigyo Milliteri ku leh Jabuuti oo ku taalla goob Istaraatijiyad Milliteri leh.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor