Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah AMISOM oo aan muddo 7 bilood helin wax mushaar ah.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Jenerel Jeje Odongo ayaa xaqiijiyey inaysan Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM aysan wax mushaar ah qaadanin muddo 7 bilood ah.

Jeneral Odongo ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Warbixin siinayey Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Barlamaanka Uganda, wuxuuna xusay in Ciiddanka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka AMISOM mushaar ugu dambeeyey bishii May ee sannadkan.

“Laakiin laga bilaabo bishii July ilaa iyo haatan, Ciiddankeenna waxba lama siinin” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Jenerel Jeje Odongo.

UPDF 1Xildhibaan Muwanga Kivumbi oo hoggaamiya Xildhibaanadda Mucaaradka ee Barlamaanka Uganda ayaa ku eedeeyey Dowladda Uganda inaysan cadaadis ku filan saarin Ururka Midowga Afrika (AU), si ay u bixiyaan Mushaarka Ciiddanka.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa sheegay in Askariga Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM mushaar ahaan uu u qaato lacag dhan 1,028 Dollar oo u dhiganta ku-dhawaad 3.3 million oo Shillinka Uganda.

Waxa uu intaasi ku daray in Askari kasta mushaarkiisa laga jaro 200 Dollar oo Tabarucaad ah, iyadoo Lacagahaasi lagu dhisayo Isbitaal Milliteri oo Casri ah.

Ciiddanka Uganda waxay dalka Somalia yimaadeen sannadkii 2007-dii, iyadoo ay in  ka badan 6,000 oo Askar Ugandese ah  haatan qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM.

Xigasho:- The Observer

© Radio Dalsan