Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM oo aan dhowr bilood mushaar qaadanin.

en dward atumba amala addressing the soldiersTaliyaha Ciiddanka Dhulka ee Uganda, Jeneral Edward Katumba Wamala ayaa walaac daran ka muujiyey inaysan Ciiddankooda ka tirsan Hawlgalka AMISOM wax mushaar ah la siinin muddo 7 bilood ah.

Waxa uu sheegay in Mushaarka ka soo daahayo Ciiddanka ay khatar ku tahay Moraalka Ciiddanka, isla markaana ay hoos u dhigayso dadaalka Hawlgalka AMISOM ee ay kula dagaalamayaan Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

 lady solider morale boosting others during the functionJeneral Edward Katumba Wamala waxa kaloo uu tilmaamay inay Dowladda Uganda ka codsadeen in Miisaaniyadda Qaranka ee 2016 ilaa 2017 mushaar kordhin loo sameeyo Ciiddanka, si la mid ah Shaqaalaha kale ee Dowladda Uganda, balse aanan weli wax mushaar-kordhin loogu darin guud ahaan Ciiddanka Qaranka Uganda.

Dhinaca kale, Xildhibaan Peter Okeyoh oo ka tirsan Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka Kenya ayaa dhaliilay Go’aanka ay Dowladaha Midowga Europe ku dhimeen Miisaaniyadda ay ku taageeri jireen Hawlgalka AMISOM.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay inuu go’aankaasi hoos-u-dhigayo Moraalka Ciiddanka Uganda ee ku sugan gudaha Somalia, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan Ciiddankooda wax mushaar ah la siinin muddo dhowr bilood ah.

Xildhibaan Peter Okeyoh waxa uu ku eedeeyey Taliska AMISOM inay ku fashilantay inay dhisaan Awoodda Ciiddanka Somalia si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor