Ciiddanka Puntland iyo Galmudug oo la kala fogeeyey.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug waxay galabta ku guuleysteeen inay si wadajir ah u kala dhaqaajiyaan goobihii ay Ciiddankooda dhufeysyadda kaga jireen.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah Qoddobadda Heshiiska Nabadda ee laga gaaray Colaadda Gaalkacyo.

Weriyayaasheenna ku sugan Gaalkacyo ayaa soo sheegay in berri la filayo in si rasmi ah loo kala qaado Ciiddanka labada dhinac, iyadoo galabta uu xilligu ciriiri ku ahaa si loo kala dhaqaajiyo Ciiddankaasi.

Dhinaca kale, Xaalladda magaalladda Gaalkaacyo ayaa caawa aad u deggan, waxayna Madaxda horumar ka sameeyeen Dhaqangelinta Heshiiska Nabadda, inakstoo ay Qoddobo culus weli harsan yihiin.

© Radio Dalsan    

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor