Ciiddanka Puntland iyo Alshabaab oo weli isku mari la’  Togga Suuj ee Gobalka Nugaal.

Milliteriga Maamulka Puntland waxay maalintii 2-aad duqeyn ku hayaan Alshabaabka gabbaadka ka dhiganayo hulalka ku dhex yaalla Togga Suuj ee duleedka Deegaanka Garmaal ee Gobalka Nugaal.

Duqeyntaasi ayaa waxay Ciiddanka Puntland uga dan leeyihiin si ay ugu sii siqaan Toggaasi oo ay ku yaallaan Qalcado Qaddiimi ah oo ay Sayid Maxamed C/lle Xasan iyo Maleeshiyadiisa adeegsan jireen.

Warar kooban ayaa laga helayaa dhul-xeebeedkaasi, iyadoo Saraakiisha Puntland sheegeen inaysan weli gudaha u gelay Toggaasi, balse ay go’doomiyeen.

Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac ayaa jirta, waxaana la sheegayaa in Doonyo hubeysan oo ay Puntland leeyihiin ilaalo ka hayaan dhinaca Xeebta, si aysan gurmad u helin Alshabaabka ku jira Togga Suuj.

Dhinaca kale, Aag cusub oo dagaal ayaa la soo sheegay inuu ka furmay meel 40-KM u jirta Deegaanka Godob Jiraad, halkaasi oo ay Ciiddanka Puntland kula dagaalamayaan Alshaabaab ka soo degtay Xeebta Garacad ee Gobalka Mudug.

Isgaarsiinta Puntland, gaar ahaan Deegaanadda lagula dagaalamayo ayaa aad u adag si lagu helo iyo in lagu wareysto dadka ku sugan Deegaanadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Iska horimaadka curdanka ah ee  u dhexeeya Maamulka Puntland iyo Alshabaab ayaa u muuqda mid weli la isku mari la’ yahay, waxaana la so owerinayaa inay labada dhinac weli ku kala sugan yihiin goobihii ay shalay ku dagaalameen.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor