Ciiddanka ku sugan Garissa oo loogu baaqay inay ka hortagaan Alshabaab

K/S Madaxa Ammaanka ee Garissa, Istefin Orinde ayaa sheegay in loo baahan yhaay inay Ciiddanka, Siyaasiyiinta iyo Hoggaamiyayaasha Diinta kaalin ka qaataan sidii looga guuleysan lahaa weeraradda ay Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan deegaanadaasi.

“Dowladda marna ma baqdin gelin karaa kuwa ku baaqaya in ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia” ayuu yiri Istefin Orinde oo intaasi ku daray inaysan taasi xal u noqon karin sugidda ammaanka.

Dhinaca kale, Ku-xigenka Taliyaha Xabsiyadda Garissa, Folorense Omondi ayaa ugu baaqday Waalidiinta Garissa inay indhaha ku hayaan dhaqdhaqaaqa carruurtooda iyo dadka ay saaxiibka la yihiin, si aysan ugu biirin waxa ay ugu yeertay kooxaha adeegsada dhallinyarradda Kenyaatiga.

Hadalka Saraakiishaasi ayaa ku soo beegmayo iyadoo la sheegay in ciiddamo dheeraad ah la keeni doono Garissa, si looga hortago weeraradda qorsheysan ee Dagaalamayaasha Alshabaab.

Bishan April 2-dii, Alshabaab waxay weerareen Jamaacadda Garissa, halkaasi oo lagu idlay 148-qof oo u baadnaa Ardayda Jaamacadda.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor