Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee ka hawlgala Somalia oo ay la soo deristay Khataro dheeraad ah.

Taliyaha Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas Waldhauser ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi lagula yeeshay Xarunta Taliska AFRICOM oo ku taalla magaalladda Stuttgat ee dalka Jarmalka.

Taliyaha Taliska Ciiddamadda Maraykanka ee AFRICOM, waxa uu tilmaamay in waqti kooban la hakiyey in Ciiddamadda Maraykanka loogu yeero Hawlgalladda ka socda Somalia, isla markaana ay culayska saareen in la dhiso Awoodda Ciiddamadda Soomaalida.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Hadafka Tababarkaasi yahay sidii loo tababari lahaa Ciiddanka Somalia sannooyinka soo socda, si ay awood ugu yeeshaan inay la wareegaan Ammaanka Somalia marka ay Ciiddanka AMISOM ka wada huleelaan Somalia sannadka 2018-ka.

Wuxuuna qiray inuu Hawlgalka noqday mid khatar badan, isla markaana ay Ciiddanka Maraykanka ku tallaabsanayaan Dhabaha Waxyeelladda, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa xusay in Hawlgalladda Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee la shaqeeya Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia soo food saareen khataro badan ee Hawlgalka La-talinta, gaar ahaan Hawlgalladda Wadajirka ee Goobaha Dagaalka.

“Marka aad hesho Wejiga Ciiddamadda ku wehlinayo, waa inaad u sheegtaa in Unugyada aad la shaqeynayso yihiin halka ay ka qaadanayaan Hawlgalka oo kooban oo aad u khatar badan” ayuu yiri Taliyaha Maraykanka ee AFRICOM.

Waxa uu intaasi ku daray in bilowgii inay dadaalkaasi xuddun u ahayd sidii Ciiddanka loo bari lahaa Asaaska Dagaalka iyo sida loo kaxayn karo Gaadiidka Dagaalka iyo Isticmaalka Hubkooda.

Taliyaha Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneral Thomas Waldhauser waxa kale oo uu tilmaamay in Ciiddanka Maraykanka ee jooga Somalia qaadaan Hawlgaladda Dagaalka ee Tooska ee lagu beegsado Bar-tilmaameedyadda  Xerooyinka Tababarka ee Xarakadda Alshabaab  iyo waxa u uugu yeeray Wershadaha lagu farsameeyo Miinooyinka nooca IED, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, waxa uu sheegay in Qabsoomida Doorashooyinka Somalia muujinayso inay soo hagaagayso Xaalladda Ammaanka ee Somalia, inkastoo uusan meesha ka saarin Fal-celinta ay Dagaalamayaasha Alshabaab geysan karaan.

Sannadihii la soo dhaafay, Ciiddanka Maraykanka  waxay Joogitaan Xasilooni ku haysteen gudaha Somalia, iyagoo ka qaadan jirey Dadaalka Caalamiga ee dib loogu dhisayo Awoodda ay Ciiddanka Dowladda u leeyihiin inay dagaal la galaan Xarakadda Alshabaab.

Boqolaal Askar Maraykan ayaa Saldhigyo Qarsoon ku leh Somalia, gaar ahaan Balli-doogle, Kismaayo iyo Puntland, kuwaasi oo fuliya Hawlgalo Qorsheysan.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor