Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay xubno Alshabaab ah ku dileen Kaymaha Boni.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo ayaa sheegay inay 4 nin oo lala xiriirinayo Alshabaab shalay ku dileen Dhulka Kyamaha ee Boni Forest, waa sida uu hadalka u yiri.

david obonyoQoraal uu soo saaray Afhayeenka ayuu ku sheegay inay Ciiddanka heleen warar dhinaca Sirdoonka, taasi oo u fududeysay inay Hawlgal ku qaadaan Alshabaabka ku sugan Dhulka Kaymaha ee Boni, kuna dileen 4 nin, halka ay labo kale baxsadeen iyadoo dhaawacan, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu xusay inay Hawlgalkaasi ku heleen Kayd hub ah iyo Gaari ay Ciiddanka Kenya lahaayeen oo noociisu ahaa Ford Rangers, kaasi oo ay Dagaalamayaal Alshabaab bishii hore ka  qabsadeen Deegaanka Milihoi oo u dhow Degmadda Laamu.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya hadalka Afhayeenka ku sheegtay inay iska horimaad ku dileen rag ka tirsan Alshabaab.

©Radio Dalsan