Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay dileen rag lala xiriirinayo Alshabaab.

Madaxa Isku-dhafka Boliska iyo Milliteriga Kenya ee Hawlgalka Kaymaha Boni, James Ole Serian ayaa sheegay inay dileen 10-dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 36 kale, tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalkaasi oo socda muddo 9 bilood ah.

Isagoo la hadlayey Wakaalladad Wararka ee REUTERS, wxa uu intaasi ku daray inay cagta mariyeen dhufeysyadii ay Alshabaab ku lahaayeen Kaymaha Boni oo uu tilmaamay inay ka weerari jireen Ciiddanka Kenya ee loo diray gudaha Somalia.

“Waxaan Saldhig Joogto ah ka samaysanay Kaymaha Foresy, si ay Boliska iyo Ciiddanka ugu adeegsadaan xoojinta Ammaanka” ayuu yiri James Ole Serian, wuxuuna xusay inay Ciiddanka toogteen 10 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab. Kadib, markii ay diideen inay is-dhiibaan, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor