Ciiddanka Kenya oo loo qabtay xilligii ay ka huleeli doonaan gudaha dalka Somalia

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM laga saari doono dalka Somalia bartamaha sannadka 2017-ka.

Wasiir Hadliye ayaa go’aankaasi kaga dhawaaqay Wareysi uu siiyey Barnaamijka Morning Show ee Telefishinka Citizen TV ee laga leeyahay dalka Kenya,  wuxuuna xusay inuu heshiiskaasi qeyb ka yahay Heshiis ay wada gaareen Dowladda Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.

 

Wasiirka oo ku sugan magaalladda Mombasa waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan Dowladda Somalia xaqiijin karin in Ciiddanka Kenya loo kordhin doono joogitaankooda gudaha dalka Somalia,.

 

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Dowladda Federalka awoodi doonaan inay la wareegaan ammaanka Somalia, marka la gaaro xilliga ay Ciiddanka Kenya ka bixi doonaan Somalia.

 

QM ayaa horey u soo bandhigtay Warbixin sheegayso inay Ciiddanka Kenya qeyb ka yihiin Dhuxusha Somalia ee laga dhoofiyo Dekedda magaalladda Kismaayo, kadib, markii ay Ciiddanka Kenya ka saareen Alshabaab sannadkii 2011-kii.

 

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda ee Xukuumadda Federalka Somalia, C/salaam Hadliye Cumar waxa u uuga digay Dowladda Kenya inaysan ku hodmin waxa uu ugu yeeray Borobogaandada Xarakadda Alshabaab ee ah inay joojin doonaan weeraradda ka dhaca gudaha Kenya, haddii ay Ciiddankooda kala soo baxaan gudha dalka Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor