Ciiddanka Kenya oo la filayo inay sannooyin kale ku sii  nagadan Soomaaliya

Afhayeenka Milliteriga dalka Kenya (KDF), Colonel David Obonyo oo la hadlayey Cadadka maanta ee Wargeyska Toddobaadlaha ee Saturday Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa sheegay inuusan saadaalin Karin muddada ay qaadan karto Dib-u-soo-celinta Cudduda Milliteriga Dowladda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay suurto-gal tahay inay Ciiddanka Kenya sii joogi doonaan Somalia muddo dheer, wuxuuna barbar dhigay tallaabadii loogu cusbooneysiiyey Milliteriga Maraykanka inay sii joogaan dalka Afganistan.

“Waa suurtogal inay Ciiddankeena xilli dheer sii joogaan Somalia, iyadoo aan ka duullanayo Go’aan la mid ah Go’aankii uu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama  uu ku beddelay Fikradiisa ku aadan Ciiddanka ka jooga dalka Afganistan” ayuu yiri Afhayeenka Milliteriga dalka Kenya (KDF), Colonel David Obonyo.

Waxa uu intaasi ku daray inay adkaan doonto inay Dowladda Kenya waqti u qabato in Ciiddanka Kenya laga soo saaro gudaha dalka Somalia.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Khubaro dhinaca Ammaanka iyo Milliteriga sheegeen  inaysan jirin saadaal muujinaysa in Milliteriga Kenya dhawaan laga soo daad-gureyn doono gudaha dalka Somalia, kana digay  weeraro badan oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha dalka Kenya.

Khubaradda waxay kaloo ka dayriyeen Awoodda Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia iyo inaysan jirin Caddaymo muujin kara inay Awood ku filan u leeyihiin inay la wareegaan sugidda ammaanka, haddii Ciiddamadda AMISOM laga saaro Somalia.

Dhinaca kale, Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan ayaa sii kordhay tan iyo markii ay Ciiddanka Kenya bilaaabeen Hawlgalka Linda Nchi ee ay Afar sanno ka hor ku soo galeen dalka Somalia.

Hawlgalladdii ay Xarakadda Alshabaab fuliyeen 90-kii bilood ee la soo dhaafay ayaa la sheegay in lagu dilay 986 Kenyan, laguna dhaawacay ugu yaaraan 1,520 qof.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii ugu horreeyey ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha dalka Kenya ayaa waxa uu bishii May ee sannadkii 2008-dii ku qaadeen  Saldhiga Boliska Liboi ee Garissa.

Waxayna weerarkaasi ku soo furteen 3 qof oo ka tirsan Alshabaab iyo 6 qof oo ku xirnaa Saldhiga Boliska Liboi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor