Ciiddanka Jarmalka ee ku sugan Somalia oo xilliga loo kordhiyey.

Xukuumadda Federalka ee dalka Jarmalka, waxay shalay Kulan ka yeesheen in Xilliga loo kordhiyo Ciiddanka Jarmalka ee qeybta ka ah Taliska Ciiddanka Midowga Europe ee ka hawlgala gudaha Somalia.

Golaha Wasiiradda Jarmalka, waxay oggolaadeen in muddo hal sanno ah loo kordhiyo Ciiddankaasi ee qeybta ka ah Saraakiisha Tababarka siiya Ciiddanka Qaranka Soomaaliyeed ee Somali National Army (SNA).

Mudanayaasha Barlamaanka Jarmalka ee Bundestag ayaa horey u oggolaaday in Ciiddankaasi oo  tiradoodu dhan tahay 9 Askari loo diro Somalia, si ay uga mid noqdaan Taliska Midowga Europe ee Tababar-siinta Ciiddanka Somalia.

Dhinaca kale, Tiradda Guud ee Ciiddanka Jarmalka ee uu Barlamaanka Jarmalka oggol yahay in loo diro Somalia ayaa waxay dhan yihiin 20-Askari oo keliya.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor